Powered By Blogger

Total Pageviews

Sunday, June 03, 2012

KU-XIGEENKA QUNSILIYADDA ITOOBIYA LOS ANGELES OO SI WEYN LOOGU SOO DHAWEEYEY MAGAALADA SAN DIEGO QUNSUL-KU-XIGEENKA QUNSILIYADDA ITOOBIYA EE MAGAALADA LOS ANGELES OO SI WEYN LOOGU SOO DHAWEEYEY MAGAALADA SAN DIEGO
Sabti, June 2, 2012- San Diego, CA-USA Waxaa maanta magaalada San Diego ee Gobolka Kalifoorniya si weyn loogu soo dhaweeyey Qunsul-Ku-Xigeenka Qunsiliyadda Itoobiya ee Magaalada Los Angeles Mudane Xabiib Muxumed Yusuf. Mudane Xabiib oo aad looga sugayey magaalada San Diego ayaa ka qeyb galey shir lagaga hadlayey waxqabadka iyo maal-gashiga Bixidheenka Webiga Abbay. Waxaa shirka ka soo qeyb galey wax garadka, odayaasha, iyo dhallinyarada Soomaalida ee ka soo jeedda Deegaanka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya. Waxaa kale oo shirkan ka soo qeyb galey, Qunsulka Itoobiya ee Magaalada Los Angeles Mudane Zerihun Retta iyo Professor Yacob oo wax ka dhiga Jaamacadda Addis Ababa University. Dhinaca Soomaalida waxaa shirkan uga hadley Guddoomiyaha Jaalliyadda Soomaalida ee Itoobiya ee Gobolka Kaliforniya Ingineer Cabdullahi Ibraahim Caydiid (Bucul). Ingineer Bucul wuxuu aad ugu dheeraadey taariikhda iyo isbaddelka siyaasadeed ee dhacay dalka Itoobiya iyo sida loogu baahan yahay in dhammaan qoomiyadaha Itoobiya ay ku wada noolaadaan caddaalad khilaafkoodana ku xallistaan si nabad ah. Ingineer Bucul wuxuu kale oo ka hadley dib-u-dhaca ku dhacay Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo sida loogu baahan yahay in dadkaas xuquuqdii ka maqneyd ee sababta looga dhigayey collaadda loo siin lahaa si looga saaro collaadda iyo dib-u-dhaca ku habsadey. Ingineer Bucul waxaa kale oo yidhi ‘Haddii aanu nahay Qowmiyadda Soomalida ee Itoobiya cidna uma daba fadhinno xuquuqdayada’. Markii uu shirkii dhammaadey kadib, Mudane Xabiib Muxumed Yusuf wuxuu ka qeyb galey casho sharaf ay  Jaalliyadda Soomaalida ee Itoobiya ee Gobolka Kaliforniya ay u sameysey. Mudane Xabiib Muxumed Yusuf wuxuu Jaalliyadda uga xog warramey halgankii dheeraa ee Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya uu soo marey. Waxaa warbixintaas oo koobneyd uu kaga warramey xaalladda dhaqaale, siyaasad, waxbarasho, caafimaad, iyo bulsho ee uu Deegaankaas maanta ku sugan yahay. Waxaa intaas dheer oo uu sheegay baahida loo qabo in qurba-joogta deegaanka u dhalatey iney deegaankoodii soo arkaan oo aan cidna uga warramin ayna maal-gashadaan dalkooda iyo dadkooda si looga saaro collaadda iyo gaajada, iyo qaxootinimada. Mudane Xabiib wuxuu hadalkiisii ku soo gabo-gabeeyey salaan iyo hambalyo uu uga wadey Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo aad ugu diirsadey sida ay Jaalliyaddu isu abaabushey ayna diyaarka ugu tahay iney dadkooda iyo dalkooda ay wax taraan waxna la qabsadaan qowmiyadaha kale ee Itoobiya.   Cabdirizaq Dahir Budul Xog-hayaha Jaalliyad Soomaalida Itoobiya Ee Gobolka California, USA Somali.Ethiopian@Gmail.Com